Cabdi Xaashi oo ka jawaabay eedeyntii kaga timid Mahdi Guuleed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hadaladii uu Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ku duray afhayeenka Aqalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waa "meel-ka-dhac", sidda uu shaaciyey Senatorka.

Cabdi Xaashi oo u waramay Barnaanijka Bandhiga ee Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sidoo kale wuxuu ku adkeystay mowqifkiisa uu ka qaatay guddiyadda dowladda u magacowday maamulka doorashadda 2020-21.

"Arrintaasi waa gef uu isagu galay, isagay gaar u tahay," ayuu kaga jawaabay markii la waydiiyey weerarka dhanka afka ee kaga yimid Mahdi isla markaana ku tilmaamay in uu yahay "hogaamiyaha wadarta mucaaradka dowladda".

Sharci-dejiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Taliyaha Nabad-sugida, Fahad Yaasiin Daahir, uu doonayo in uu hogaamiyo geedi u socodka lagu soo xulayo xubnaha kamid noqonaya guddiyadda coddeynta soo aadan.

Si gaar ah xubnaha lagu darayo guddiga doorashooyinka wakiilada Somaliland ayuu ka dhawaajiyey in ay doonayaan in ay soo xulaan mas'uuliyiinta kasoo jeeda. "Hadii aysan dhicin waxaa imaaneysa cadaaladaradii ugu weyneyd," ayuu yiri.

Is-qabqabsiga ka taagan guddiyada maamulada doorashooyinka soo aadan oo xuduntiisu tahay in dowladda kusoo dartay xubno sirdoon, shaqaale dowladeed iyo jamaahiirtii Villa Soomaaliya ayaa dib-u-dhac u keeni kara jadwalka.

Laba kamid ah qodobadii ku jiray jadwalka ayaa lasoo dhaafay iyaddoo lagu fuliyey dib-udhac. 10 illaa 20 October waxaa loo muddeeyay dhismaha guddiyada. 1-da November, waxaa loo qorsheeyay bilaabashada xulista Xildhibaanada.

Hay'adda Xasaradaha Aduunka oo ka digtay khilaaf ka dhashay dib-u-dhaca doorashooyinka ayaa ku talisay muddo kororsi loo sameeyay si looga baaqdo khal-khal siyaasadeed, balse fekerkaas waxaa ka hor-yimid mucaaradka.

Dowladda haatan arimineysa waxaa muddo xileedkeeda uga haray in ka yar 100 maalmood, iyaddoo mucaaradka uu horey ugu goodiyey in aysan aqoonsan doonin madaxda haatan jirta hadii waqtigooda dastuuriga ah uu ka dhamaado.

Iyaddoo cawaaqibka ka dhasha firaaq walba oo ku yimaada hay'addaha dowladda madaxda talada haysa, haddana waxa aysan u wanaagsaneyn waddanka oo kasoo kabanaya burbur isla markaana ku taamaya horu socod dimuqraadiyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM