Cabdi Xaashi oo warbixin siiyay Guddiga joogtada Aqalka Sare

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah ku yeeshay mid kamid ah Fadhiyadooda, kaasi oo ay soo xaadireen inta badan Senatarada.

Kulanka qaybtii 1aad waxaa shir gudoomiyay Afhayeenka Gollaha, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaasi oo siiyay Mudanayaasha warbixin ku saabsan safari uu ku kala bixiyay magaalada Kismaayo iyo dalka Turkiga.

Socdaalkiisa caasimad goboleedka Jubbada Hoose, oo uu kula soo kulmay Madaxda kala duwan Jubbaland ayaa dabranaa khilaafka maamulada iyo dowladda dhexe oo umuuqda mid hadalheyntiisu yaraatay.

Booqashadiisa dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Istanbul ayuu kaga qaybgalay shir looga hadlay go’aankii uu Madaxwayne Mareykanka, Donald Trump ka qaatay magaalada Qudus, oo uu ku wareejiyay Yahuuda.

Qaybihii ugu dambeeyay ee shirka, waxaa shir gudoomiyay Ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Abshir Bukhaari, kaasi oo sii anbaqaaday qodobadda kale ee kulankooda ay ku jee-jeexeen.

Habdhowraha Aqalka Sarre, Cabdikaafi Macalin Xassan, oo war-fidiyeenka la wadaagay natiijada shirkooda ayaa afka ku balaariyay inuu siiyey Gudoomiyuhu warbixin dhameystiran oo socdaalkiisa saabsan.

Xasan ayaa intaas ku daray in Ajandayaasha kale ee shirkooda ay kusoo qaadaan ay kamid tahay ansixinta hadal qoraalkii Fadhigii 10aad ee guddiga joogtada ah, iyo diyaarinta ajendaha kulanka 13aad ee Aqalka Sare.

Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo aanan indhawaanahaan yeelan wax kulan ah ayaa la rajaynayaa inay Fadhiyadooda caadiga ah ay dib ubilabaan, kuwaasi oo ka tirsan Kal-fadhiga 4aad oo ay ku guda jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM