Carabeey oo kahor yimid Go'aan uu Xaaf qeyb ka yahay

Image

CAABUDWAAQ - Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ka hor-yimid go'aannada shirka Kismaayo, waxaana uu sheegay in madaxda shirtay ay ku fashilmeen amniga degaanadoodii oo aan gacanta ugu jirin, ayna ku mashquulsanyihiin howlo aan quseynin.

“Ma jirto cid awood u leh inay dowlada xiriirka ujarto. Waxaan Soomaaliya, waana ku faanaynaa, hadii aan xiriirka u jarno dowladda Federaalka xagey baan aadeynaa, go’aanka maamulada gaara ahaan Galmudug ahaan ma ahan wax aan aqbali karno,” ayuu yiri Carabey oo warbaahinta u waramay. 

Qodobada kale ee shirka Kismaayo kasoo baxay waxaa kamid ahaa mid ay uga hadleen heshiiska ay ku midoobeen Galmudug iyo Ahlu Suna, waxaana War-murtiyeedka lagu sheegay in dowladda Federaalka ay fara-gelin ku hayso, taasoo uu Carabey beeniyay. 

“Dowlada Federaalka iyada ayaa ka shaqaysay heshiiska, mana jirto wax faragelin ah oo ay ku wado, waxa diiday dhaqan-gelinta heshiiska waa Xaaf iyo kooxdiisa,” ayuu hadalkiisa kusii daray Madaxwayne ku xigeenka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. 

Carabey oo la su’aalay in diidmadiisa ay salka ku hayso khilaafka kala dhaxeeya Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf], iyo inuu heshiis la galay dowladda oo ah inuu qaadaco qodobada kasoo baxa Madasha Iskaashiga maamuladda ayaa ku jawaabay “Maya”.

Lama oga in madaxda dowlad goboleeyada ay aqbali doonaan baaqa Farmaajo, islamarkaana ay ka qeybgali doonaan Shirka gollaha amniga qaran ee ka furaya bisha Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM