Carabey oo ka hadlay baaqa Wasaarada Arrimaha Gudaha

Image

CADAADO, Soomaaliya - Madaxwayne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa soo dhaweeyay baaqa kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha ee ku aadan in la tix-gelyo heshiiskii ay ku midoobeen Ahlu Sunna iyo dowlad goboleedkan.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ubalanqaaday dhinacyadda isku haya siyaasadda maamulkaan inay ka caawin doonto sidii ay uqabsan lahaayeen doorashooyin cadaalad iyo xalaal ah, maadaama arrimaha laysku hayo ay kamid tahay mudada xileedka Madaxwayne Xaaf iyo Xilldhibaanno cusub.

"Inaga ahaan, waan tix-gelineynaa heshiiskii Jabuuti oo ay ku midoobeen Galmudug iyo Ahlu Sunna, waana soo dhawayneynaa baaqa dowladda, balse, kooxda yar ee uu Xaaf wato ha ogolaadeen taasi," ayuu hadalkiisa udhigay mudane Carabaey.

Carabey ayaa sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday inaanu aqoonsaneen Xilldhibaan dhowaan ku shiray magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo ku dhawaaqay inay xilkii ka xayuubiyeen, isaga oo sharaxaad ka bixiyey sababta uu ku diiday.

"Horta aniga waxaa xil iga qaadi kara Xilldhibaano marka hore idoortey, kuwa aanan udooran maxay ii sheegayaan," ayuu yiri Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo wareysi uu siiyey Idaacadda VOA-da, gaara ahaan laanteeda afka Soomaaliga.

Muranka siyaasadeed ee ka dhex-jira hogaanka Galmudug ayaa haatan umuuqda mid gaarey heerkii ugu sareeyay, xili Xilldhibaano ku kala shiraya Dhuusamareeb iyo Cadaado ay sheegayaan inay xilalkii ka qaadeen hogaanka dowlad goboleedkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM