Carbis milatari oo lagu sameeyay meel u dhow badda Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDIHSO, Soomaaliya - Japan iyo Britain ayaa dhoolatus milatari oo ka dhan ah burcad badeeda ku qabtay Gacanka Cadmeed meel u dhow Soomaaliya, sida maanta uu shaaciyey Nobuo Kishi, oo ah wasiirka Difaaca waddanka Japan.

"Dhoolatuskan, oo la qabtay Axaddii iyo Isniinta, ayaa waxaa qeyb ka ahaa markabka nooca diyaaradaha qaadda ee ciidanka difaaca Japan ee Setogiri, diyaaradaha ilaalada ee P-3C iyo tirro diyaaradaha wax duqeeya ee Ingiriiska kuwaasoo loo yaqaano Queen Elizabeth, si lamid ah markabka dagaal ee ugu weyn Royal Navy," ayuu raaciyey Kishi.

Maraakiibta ciidamada badda ee Mareykanka iyo Holland oo la socday kooxda Ingiriiska ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay dhoolatuskan, sida uu sheegay wasiirka difaaca. Waa markii ugu horreysay ee markabka dagaalka Japan uu la qabato carbis wadajir ah dhigiisa Queen Elizabeth.

"Annaga iyo Britain, Mareykanka iyo Netherlands, waxaan soo bandhignay rabitaankeena iyo kartideena si aan u hubino badqabka isu-socodka badda oo ah aasaaska barwaaqada adduunka," ayuu Kishi ku yir shir jaraa'id.

Wasiirka ayaa hadalkiisa wuxuu intaas kusii daray: "Waan sii wadi doonaa in aan dhoolatusyadda wadajirka ah la qaadano [saaxiibadeena caalamiga ah] waliba si istiraatiiji ah".

Kooxda Japan ayaa bishii May waxay qeyb ka ahaayeen dhoolatus kale oo lagu qabtey London halkaasoo ay kusoo bandhigeen carbis looga dan lahaa xakameynta saameynta Beijing ee badaha Bariga iyo Koonfurta Shiinaha.

Intii lagu gudajiray carbiska wadajirka ah ee la dagaalanka burcadbadeeda, dhinacyaddii ka qeybqaadanayay waxay ku howlanaayeen buuxinta badda iyo sawirada maraakiibta, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiga Japan.

Japan oo kamid ah dowladaha qeybta ka ah la dagaalanka burcad-badeeda Soomaalida ayaa howlgalkaas waxay ku leedahay diyaarado qumaatiga u kaca, maraakiib dagaal iyo markab gaar ah oo ay ka duulaan diyaaradaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM