Caruur ay Al-Shabaab "u diyaarisay is-miidaamin" oo lasoo badbaadiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan 16 Al-Shabaab ayaa lagu dilay, 40 caruur ahna waa laga soo badbaadiyey howlgal ka dhacay Koonfur Galbeed Soomaaliya, sidda ay Sabtidii shaaca ka dhigeen mas'uuliyiin ammaan.

Dhaqdhaqaaqaas liddiga ku ah xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa laga fuliyey meel ku dhow degaanka dhowaan la xoreeyay ee Bariire kaasoo qiyaastii 62 KM u jira magaala madaxda dalka Muqdisho.

Bariire oo caan ku ah beeraha ayaa ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo argagixisada ay joogitaan culus ku leedahay.

Axmed Xasan Salaad, taliye ka tirsan ciidamada howlgalka fliyey, ayaa sheegay in dhankooda uusan howlgalka kasoo gaarin wax khasaaro ah.

"Intii howlgalku socda oo ka dhacay tuulada Nuuney oo duleedka ka ah magaalada Bariire, milatariga waxaa u suurtagashay in ay soo badbaadiyaan 40 caruur oo kasoo kala jeeda qaybo kamida dalka," ayuu yiri.

Sidda ay warisay Idaacada Codka Ciidamadda, maleeyshiyaadka soo qafaashay ciidamadan waxay qorsheynayeen in ay u adeegsadaan is-miidaaminta.

Marka laga soo tago sheegashada ciidamada Soomaaliya, ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya dhamaan sheegashooyinkooda.

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo hadafkoodu yahay in laga hortago lana burburiyo fariisimo cusub oo Al-Shabaab sameysato mar-xalada kala guurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM