Caruur iyo hooyadood oo walax ku qarxday ugu dhintay DDSI

Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed - Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhimatay, afar kale way ku dhaawacmeen markii hub ay kula qaraxday mehrad ku taalla degmada Dhagax-madow oo ka tirsan dhulka Soomaali Galbeed.

Hooyo iyo afar caruur oo ay dhashay ayaa la sheegay in ay ahaayeen dadka geeriyooday, halka kuwa dhaawacmay lagu tilmaamay dad ka akdhowaa goobta ay mashaqado ka dhacday.

Walaxda baa’ibisay reerkaan ayaa lasoo wariyay in ay ahayd hadaarida dagaalkii 1977 ee dhexmaray dowladaha deriska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Aabaha qoyskaan iyo dhalaan yar oo uu Ubadkiisa kamida ayaa lagu waramayaa in ka badbaaday reerka ay musiibadu ku habsay.

"Dadka dhaawacmay waxaa ku jirta gabar yar, oo qaybaha sare gaar ahaan qoorta ay wax kasoo gaareen, isbitaalka ayaan lagu daaweynayaan," ayuu yiri, Maxamed Salaad, oo dadka degaanka kamid ah.

Maamulka degmada Dhagax-madow ayaa ku tartarsiiyay dadka degaanka ee haysta walaxda lamid ah tan laysay qoyskaan in ay ka fogeeyaan guryahooda.

Dhacdooyinka noocaan ah ayaa aad ugu badan degaanada ay degto Soomaalida gaar ahaan dhulalka ay ka dhaceen colaaduhu, waxaana lagu dhaliilaa mas'uuliyihiinta in aysan xil iska saarin wax ka qabashada arrinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM