Cawad oo ka hadlay hadii Kenya ay Somaliland "ka taageereyso" ictiraaf

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xilli mudooyinkii dambe ay jireen warar ku saabsan in Kenya ay ka taageereyso Somaliland in ay hesho aqoonsi caalami ah ayaa waxaa markii ugu horeysay ka hadashay dowladda federaalka.

Qaar kamid ah warbaahinta ugu afka dheer Kenya ayaa qortay in dowladda dalkaasi oo xafiis ka furaneysa Hargeysa ay uga faa'ideysaneyso muranka haatan taagan in ay u dhowaato maamulka gooni isu taaga ah.

Talaabadan iyo kuwa kale oo ay Kenya qaaday maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxay qayb ka yihiin go’aano siyaasadeed oo ay ku cadaadineyso wadanka deriska la ah si uu ula soo laabto dacwada muranka xuduud badeedka.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa u sheegay wargeyska The Standard in xukuumadiisa aysan marnaba diyaar u ahayn in ay sii kululeyso xiisada kala dhaxeysa Nairobi.

"Ma xiiseyneyno ijiid-aan-ku-jiido. Waxa aan dooneyno waxay tahay in aan xiriir wanaagsan la yeelano Kenya," ayuu Mr Cawad yiri.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu qashinka ku daray wararka sheegaya in Kenya ay dareenkeeda u weecineyso maamul goboleedyadda si gaar ah Somaliland oo madax banaani sheegata.

"Kenya xafiiska ay ka furaneyso Hargeysa waxaa u ogolaatay dowlada Soomaaliya. Annaga xitaa way noo ogolaadeen in aan Qunsulyad ka sameysano Mombasa," ayuu hadalkiisa daba dhigay.

Mombasa, waa gobol gooni isu taaga ah oo ka tirsan waddanka Kenya oo uu soo gumeystay Ingiriiska.

Arrimahaan oo idil waxay kusoo beegmayaa iyadda oo xudunta xiisada labada Qaran oo ah dacwad xuduud badeeda ee hortaala Maxkamada Cadaaladda Aduunka la filayo in lagu dhawaaqo sanadka dambe.

Goobta ay Kenya muranka gelisay ee ka tirsan biyaha Soomaaliya ayaa waxay hodan ku tahay noocyadda ugu wanaagsan ee kheyraadka badda laga helo sida Saliida iyo Gaaska naqaska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM