Cawad oo su'aallo laga waydiiyey qaraxii lala xiriiray Qadar

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa maanta oo Axad ah wuxuu hortegay Guddiga Arrimaha Dibadda ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Cawad ayaa waxaa su'aallo laga waydiiyey qaraxii bishii May ee sanadkan ka dhacay Boosaaso ee lala xiriiray dowladda Carbeed ee Qadar.

Majaladda Mareykanka ee New York Times ayaa qortay in safiirka Dooxa ee Muqdisho uu "wax ka ogaa" weerarkaasi oo dhaawacay ku dhowaad 10 ruux.

Dowladda Qadar oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa iska bari-yeeshay eedeyntaasi, iyadda oo ay "ku qanacday" xukuumada federaalka ah ee Muqdisho.

"Mowqifka wasiirka ee arrintaasi wuxuu ahaa in dowladda Qadar ay beenisay, waxbo kama jiraanna ay tiri," ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali.

Cosoble oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaadey in ay jirto baahi ah in baaritaano dheeri ah lagu sameeyo eedeynta Qadar.

Sidda uu fahansan yahay Garowe Online, guddiga ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka dalbaday in uu ku sameeyo arrintan baaritaano madax banaan.

"Ka guddi ahaan, waxaa weli noo muuqato in ay jirto baahi in xukuumadda federaalka ay arrintaasi xaqiiqadeeda ay ka daba tagto," ayuu ku daray gudoomiyaha..

Sidda laga soo xigtay warbixinta NYT, Qadar ayaa hadafka ay ka lahayd taageerida qaraxaasi waxay ahayd curyaaminta danaha Imaaraadka.

Dowladda Puntland oo codsigan u gudbisay dowladda federaalka ayaa balanqaaday in ay la shaqeyn doonto cid walba oo baaritaan ku sameyneysa warbixinta New York Times.

"Xukuumada waxay dadka Soomaaliyeed ka istaahilaan in ay arrintaasi baaritaano ay ku sameeyso ayna lasoo wadaagto guud ahaan Golaha Shacabka," ayuu Xildhibaanka ku adkeystay.

Wasiir Cawad ayaa wuxuu u sheegay xubnaha guddiga in aysan iyagu lahayn doorka ah in ay baaritaan ku sameeyaan warbixintan, sidda uu shaaciyey Cosoble.

"In dowlad aan saaxiibo nahay lagu soo eedeeyo ama in ay wax ka ogayd oo aysan nala soo wadaagin, arrintaasi ma ahan wax sahlan waa fal argagixiso, waa khatar," ayuu tibaaxay.

Wadamadda Khaliijka ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal dhinaca warbaahinta, kaasi oo bilooyinkii u dambeeyay sii xoogeystay.

"Guddi ahaan waxaan u baahan nahay in baaritaan lagu sameeyo oo aan u sheegnay wasiirka, inkasta oo uu yiri 'Wasaaraddeena arrimaha dibadda intii nala soo gudbiyey wax dhaafsiisan oo aan ka qaban karnay ma jirin'.

Eedeynta loo jeediyay Qadar ayaa kusoo beegmeysa iyadda oo wadamada Carabta qaarkood ay xiriirka u jareen Dooxa iyaga oo ku eedeeyay taageerida argagixisada, wallow ay ganafka ku dhufatay.

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay arrintaasi, talaabadaasi oo aad loogu bogaadiyey, wallow ay soo if-baxeen raadad aanan wanaagsanayn oo uu reebay go’aankaasi oo ah luminta xulafo muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM