Cawad oo wadahadal telefoonka ah la yeeshay dhigiisa Pakistan

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Wasiiradda arrimaha dibadda wadamada Soomaaliya iyo Pakistan ayaa yeeshay wadahadalo dhanka telefoonka ah, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Sidda ku xusan warbixinta laga sii daayey Radio Pakistan, Axmed Ciise Cawad iyo Shah Mahmood Qureshi ayaa kawada hadlay siddii lagu xoojin lahaa iskaashiga laba geesoodka ah.

Qureshi ayaa la xusay in uu bogaadiyey taageerada ay Soomaaliya u hayso siyaasada Pakistan ee ku wajahan qaaradda Afrika.

Ma aanan lasoo bandhigin waqtiga ay diblumaasiyiintu yeesheen wadaxaajoodkaas isgaarsiinta ah, kaasoo aan la ogayn ujeedka ka dambeysa.

Soomaaliya iyo Pakistan ayaa la tilmaamay in ay leeyihiin cilaaqaad soo jireen oo dhanka iskaashiga danaha ay wadaagaan ah.

Horaantii bishaan Maaj, xukuumadda Islamabad ayaa miiska soo saartay codsi ku saabsan in ay tababar siiso Ciidamadda Cirka Soomaaliya oo dib-u-habeyn baaxad leh u baahan.

Codsigaas ayaa yimid ka gedaal markii ay Islamabad ku kulmeen Taliyeyaasha Ciidamadda Cirka labada waddan oo isla meeldhigay siddii ay sarre ugu qaadi lahaayeen iskaashiga ka dhaxeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM