Cawad: Soomaaliya kuma biireyso isbahaysi kasta oo ka dhan ah Qadar

Image

DOHA, Qadar - Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumaddaa Federaalka ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa dowladda Qadar ugu laab-qaboojiyay go’aan kasoo baxay Villa Somalia.

Isagoo ka hadlayay kulan ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar, ayaa Wasiir Cawad kaga dhawaaqay in xukuumada Muqdisho aysan diyaar u ahayn inay ku biirto isbahaysi kasta oo ka dhan ah Dooxa.

“Soomaaliya waxaa ka go’an in ay baaqi kusii ahaato go’aankeedii dhex-dhexaadka ee Khilaafka dalalka Khaliijka, inkasoo aan walaac ka qabno,” ayuu yiri Wasiirka.

Axadii lasoo dhaafay, Cawad ayaa la kulmay dhigiisa Qadar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani, waxaana kullankooda uu ka dhacay magaaladda Dooxa.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay dhinaca Qadar u jan-jeersatay markii dalkaan Saliida hodonka ku ah ay go’aamiyeen Sacuudiga iyo Imaaraadka bishii June 2017.

Qadar ayaa kamid ah dalalka saameynta ku leh xilliga Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Madaxweyne Farmaajo, oo ay kamid yihiin shaqsiyaad iyada xiriir dhaw la leh.

Gaadiid gaashaaman ayay Qadar dhawaan siisay dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale sanadkii tagey u balan qaadey $200 oo milyan oo lagu fulinayo mashaariic ay kamid tahay dhismaha wadooyin Muqdisho ku xiriiriya Afgooye iyo Jowhar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM