CC Shakuur oo ka hadlay go'aanada Shirka Wadatashiga Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa taageeray go'aanadii kasoo baxay Shirweynaha Wadatashiga Puntland ee Talaadada maanta ah lagu soo gabagabeeyay Garowe.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga wuxuu ku caddeeyay mowqifkiisa war-murtiyeedka madasha.

"Waxaa soo dhowaynayaa baaqa ka soo baxay shirwaynaha wadatashiga Puntland," ayuu yiri, isagoo ayiday bayaanka.

Wuxuu intaas raaciyey hadalkiisa: "Waxaan si gaar ah u soo dhowaynayaa gogosha wadatashi ee ay Puntland u fidisay saamilayda siyaasadeed ee Soomaaliya si looga arrinsado doorashada 2020/21".

Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo 15-kii Maaj ee sanadkan 2020 ka furmay magaalada Garowe waxaa diiradda lagu saarey xaalada Puntland, khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo musiirka dalka.

War-murtiyeedkii kasoo baxay shirka waxaa walaac looga muujiyey "faragelinta qaawan" ee dowladda federaalka ku hayso maamulada kasoo horjeeda iyo burburinta ay ku waddo nidaamka federaalka.

Ka qeybgaleyaasha ayaa ku baaqay gogol ay Puntland u fidiso saamileyda siyaasadeed ee dalka si looga hadlo arrimaha "cakiran" ee haatan taagan.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo gabagabada shirka hadal-jeedin sameeyay ayaa shir wadatashi ah wuxuu ku casuumay madaxda dowladda federaalka iyo maamulada si xal loogu helo khilaafka siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM