CC Shakuur oo ka hadlay go'aanada Shirka Wadatashiga Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa taageeray go'aanadii kasoo baxay Shirweynaha Wadatashiga Puntland ee Talaadada maanta ah lagu soo gabagabeeyay Garowe.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga wuxuu ku caddeeyay mowqifkiisa war-murtiyeedka madasha.

"Waxaa soo dhowaynayaa baaqa ka soo baxay shirwaynaha wadatashiga Puntland," ayuu yiri, isagoo ayiday bayaanka.

Wuxuu intaas raaciyey hadalkiisa: "Waxaan si gaar ah u soo dhowaynayaa gogosha wadatashi ee ay Puntland u fidisay saamilayda siyaasadeed ee Soomaaliya si looga arrinsado doorashada 2020/21".

Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo 15-kii Maaj ee sanadkan 2020 ka furmay magaalada Garowe waxaa diiradda lagu saarey xaalada Puntland, khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo musiirka dalka.

War-murtiyeedkii kasoo baxay shirka waxaa walaac looga muujiyey "faragelinta qaawan" ee dowladda federaalka ku hayso maamulada kasoo horjeeda iyo burburinta ay ku waddo nidaamka federaalka.

Ka qeybgaleyaasha ayaa ku baaqay gogol ay Puntland u fidiso saamileyda siyaasadeed ee dalka si looga hadlo arrimaha "cakiran" ee haatan taagan.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo gabagabada shirka hadal-jeedin sameeyay ayaa shir wadatashi ah wuxuu ku casuumay madaxda dowladda federaalka iyo maamulada si xal loogu helo khilaafka siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM