CC Shakuur oo la kulmay safiirada Mareykanka iyo Britain

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Arbacadii wuxuu Muqdisho kula kulmay laba kamid ah danjireyaasha caalamka u fadhiya caasimadda Soomaaliya.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa sheegay in xubnahaan uu kala hadlay xaalada siyaasada dalka, doorashooyinka sanadka dambe iyo khilaafka dowlada iyo maamulada.

Safiiradda uu la kulmay ayaa kala ah; Donald Yamamoto, oo Mareykanka metela iyo Ben Fender, ergayga dalka Ingiriiska.

War-qoraal ah oo kasoo baxay Wadajir Party ayaa lagu sheegay in kulanka ay qayb ka ahaayeen Guddiga Fulinta Xisbigaas.

"Waxay ka wada hadaleen sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho loo dhanyahay, xiligeedana ku dhacda, Dastuurkana waafaqsan," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah war-saxaafadeed.

Bayaanka ayaa ku daray: "Waxay kaloo ka wada hadaleen arrimaha Galmudug, in la furo saaxada siyaasada, lana ilaaliyo xorriyada hadalka".

Kulamadan ayaa qayb ka ah kuwa ay Beesha Caalamka la yeelaneyso saamildeyda siyaasadda kahor doorashooyinka sanadka dambe oo qorsuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod, balse aysan muuqan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM