CC Shakuur oo shaki geliyey warbixintii NISA ee qaraxii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka falceliyey "warbixin bilow ah" oo sirdoonka Soomaaliya kasoo saarey weerarkii Sabtidii ee ayaa wuxuu xoogan shaki geliyey faaladaas.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee hay'adda NISA ayaa lagu xusay in "dal shisheeye" uu qorsheyntiisu lahaa qaraxaas, oo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay ururka Al-Shabaab.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir oo qoraal soo dhigay baraha bulshadda ayaa shaaca ka qaadey "ujeedada" bayaanka laamaha ammaanka.

"Ujeedka qoraalkan laga leeyahay ma aha oo keli ah in shacabka lagu marin habaabiyo ama lagu qariyo fashilka hay’adda Nabadsugida, ee wuxuu kaloo ujeedkiisu yahay in argagexisada AlShabaab eeda xasuuqa laga leexiyo," ayuu ku yiri qoraalka oo dadwayne badan ay ka falceliyeen.

Warsame ayaa wuxuu intaas ku daray: "Waxaa la oran karaa tani wadashaqayn Al-Shabaab way dhaafsiisan tahay".

Ku dhowaad 90 ruux oo laba kamid ah ay u dhasheen Turkiga ayaa lagu khaarijiyey is-miidaamintii Ex-kontarool Afgooye oo loo adeegsaday gaari Dhayno ah oo qarax laga soo buuxiyey.

Warbixinta NISA ayaa timid saacado kadib markii jaraa'id kasoo baxay Turkiga uu baahiyey in Imaaraadka Carabta ka dambeeyo qaraxa.

Hay'adda Mukhaabaraadka Soomaaliya waxaa maamula Fahad Yaasiin, oo xiriir dhow la leh Qadar oo xilfaaltan uu kala dhaxeeyo Imaaraadka, Sacuudiga iyo dowladaha Carabta qaar.

Dooxa oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahayd qaraxii marsadda Boosaaso ee lagu dilay maamule ka tirsan shirkadda DP World ayaa waxaa wadamada Carabtu go'doomiyeen eedeymo ku aadan "argagixiso kal-kaal".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM