CC Shakuur oo si adag uga hadlay is-hortaaga khudbadiisa Malaysia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u cambaareeyay is-hortaagii lagu sameeyay hadal-jeedin uu ka sameyn lahaa dalka Malaysia.

Talaabadaas ayaa timid markii safaaradda Soomaaliya ay booliska u dirtay warqad ay ku codsaneyso in la baajiyo munaasabada oo lagu casuumay arday Soomaaliyeed.

Illo lagu wareedyo ayaa sheegay in bileyska ay soo galeen xafladda oo socotay kuna amreen in la joojiyo. Xogta waxay sheegeysaa in Warsame uu xiligaas soo afjaray hadalka.

"Dowladda Soomaaliya si ay u joojiso khudbad aan u jeedin lahaa ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia ayaa safaaradda Soomaaliya ee Malaysia oo ka amar qaadnaysa Villa Somalia, waxay Booliska dalka Malaysia ku wargelisay in aan ahay danbiile baaritaan dalkiisa uga socda, Islaamka u gefey, fatwana la iga soo saaray, la iina diiday in aan dalal badan oo Islaam ah hadal jeedin ka sameeyo," ayuu Warsame ku yiri Facebook.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir oo hadalkiisa sii wata ayaa falkaas wuxuu ku sifeeyay "ku takrifal awood dowladeed".

"Waa sida ugu foolxun oo awood dawladeed loogu takrifalo, iyo sida ugu liidata ee dan qaran dal kale looga jirto," ayuu siyaasigu raaciyey qoraalka uu soo dhigay barahiisa gaarka ah ee bulshada.

Warsame oo xurguf ay kala dhaxeyso dowladda Farmaajo ayaa kamid ahaa murashaxiinta doorashadii 2017, isagoo sidoo kale horey u soo noqday Wasiirka Qorsheynta ee Soomaaliya.

"Waxaa mahadda leh daddaalka ardayda Soomaaliyeed iyo garashada Booliska Malaysia oo suuragaliyey in hawhsii socoto, shirqool kii iyo isku daygii naflacaariga ahaa ee kooxda Vila Somalia uu fashilmo," ayuu kusoo koobay.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer horey waxay siyaasiyiinta mucaaradka gaar ahaan Warsame ka joojisay munaasabado uu kula hadli lahaa taageereyaashiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM