Ciidamada DF iyo Nin hubeysan oo dagaal ku dhexmaray Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo nin hubeysan, oo loo maleynayo inuu katirsan yahay Al-Shabaab ayaa dagaal kooban ku dhex-maray Muqdisho xalay fiidkii.

Ninkan oo ku hubeysanaa bambaanooyin iyo Bastoolad ayaa la sheegay inuu galay guri ku yaalla Xaafadda Cali Kamiin, ee degmada Wardhigleey, halkaasi oo ay ku hareereeyeen ciidamada amniga, oo saacado kadib u suurta-gashay inay isagoo nool qabtaan.

Sarkaal u hadlay booliska ayaa xaqiijiyay soo qabashada ninkan, oo la sheegay in bam gacmeed ku weeraray markii hore bar-koontarool oo booliska ku leeyahay xaafadda Furiyaasha, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaarey askarta.

Amniga Muqdisho ayaa faraha kasii baxayay mudooyinkii dambe, iyadoo Al-Shabaab weeraro qaraxyo ka fulisay xaruumo muhiim ah oo dowladda ay leedahay iyo Huteello ku yaalla nawaaxiga Madaxtooyadda Villa Somalia.

Falalkan amni darro ayaa dhacaya xilli ay dowladda xirtay inta badan waodoyinka caasimadda, oo jid-caddayaasha ku goysay dhagaxaan, taasoo keentay inuu adkaado isku socodka dadweynaha.

Dadka aqoonta u leh arrimaha amniga ayaa aaminsan in Muqdisho aan la xasilin karin iyadoo Al-Shabaab ku xoog badan tahay wali gobollada deriska la ah, sida Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, oo la rumeysan yahay inay weerarada kasoo abaabusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM