Ciidamada diidey ku darsiga oo laga digay in "laga aarguto"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta ayaa taageeray in Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble uu si dhameystiran ula wareegay maamulka doorashooyinka iyo amniga dalka.

Musharaxiinta ayaa intaas ku daray in ay diyaar u yihiin in wasiirka koowaad ay kala shaqeeyaan qabsoomida coddeyn xor iyo xalaal ah, kuna dhaca sida ugu dhaqsiyaha badan.

Isku day maamulka waqtiga ka dhacay Farmaajo uga aarguto ciidanka diidey muddo kororsiga ayay ka digeen kuna baaqeen in la magacaabo "hogaan middeyn kara ciidamada".

Rooble ayay ku booriyeen in uu qaado talaabooyin muujinaya in uu la wareegay amniga dalka isla markaana uu u madaxbanaan yahay "si uu u kasbado kalsoonida" dhamaan dhinacyadda.

"Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqayaa in wixii ka dambeeya 1-da May, 2021 mas'uuliyadda ammaanka lagula xisaabtamayo Ra'iisul Wasaare Rooble iyo xukuumadiisa," ayay ka dhawaajiyeen.

Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayay cod dheer ugu waaniyeen in uu adkeeyo doorkiisa dhexdhexaadnimadda isla markaana uusan la safan dhinac gaar ah oo kamid ah garabyadda is-haya.

"Ugu dambeyn, waxaa kaloo bogaadin mudan Beesha Caalamka oo aan ka daalin taageerada shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka Golaha Midowga musharaxiinta.

Qoraalka musharaxiinta hoos ka akhriso

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM