Ciidanka DF iyo AMISOM oo "iska caabiyey" weerar lagu soo qaadey

Image

JOWHAR, HirShabelle – Mas'uuliyiin ayaa shaaca ka qaadey in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay iska caabiyeen weerar lagu qaadey saldhigooda.

Xerada la beegsaday ayaa ku taala nawaaxiga degaanka Ceel-geelow oo 18 KM dhanka waqooyi kaga aadan magaaladda Balcad.

Maleeyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay ka dambeeyaan duulaankaas "dhicisoobay".

Illo degaanka ah ayaa xaqiijiyey in weerarka kadib ay heehaabayeen degaanka diyaarado noocaan aan duuliyaha lahayn ah.

Diyaaradaha ayaa la xaqiijiyey in ay baadigoobayeen dagaalameyaasha gulufka kusoo qaadey fariisinka ciidamada huwanka ah.

Maamulka degaanadaas ayaa waxay guulo ka sheegteen dhacdadaas. Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo Al-Shabaab kasoo baxay.

Weerarkaan ayaa yimid maalmo kadib markii la dilay Baashiir Qoor-qaab oo ahaa sarkaal xilal muhiim ah u hayey xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM