Ciidamada Janan iyo Haramcad oo dagaalamay; khasaaro ka dhashay

Image

BELEDXAAWO, Jubaland – Ciidamo taabacsan wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan, iyo kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan Haramcad, ayaa lagu waramay in ay maanta ku dagaalameen Beledxaawo.

Iska hor-imaadka ayaa lasoo wariyey in uu ka dhacay nawaaxiga xadka Kenya gaar ahaan inta u dhaxeysa BB1 iyo degaanka Aamiin.

Dadka degaanka ayaa tibaaxay in ay maqleen daryenka rasaas culus isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyada ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadda Janan ay ka yimaadeen dhanka sohdinta, balse lama ogga cidda bilowday xabada.

Warbixino kale ayaa soo jeedinaya in askarta Janan ay wehliyeen kuwa kale oo ka tirsan milatariga Kenya, wallow aan la xaqiijin.

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan isku-dhacaan oo kasoo baxay labadda daraf ee dirirta colaadeed ay dhexmartay.

Horaantii sanadkan 2020 ayay ahayd markii dhinacyadda ay ku dagaalameen Beledxaawo gaar ahaan meel ku dhow xuduudka Mandeera, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Cabdirashiid Janan waxaa baadigoobeysa Dowladda federaalka oo xustay in uu ka baxsaday xabsi ku yaala Muqdisho. Balse, isagu wuxuu isku arkaa siyaasi aan waxba galabsan oo dusha laga saarayo eed uusan lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM