Ciidamada Jubbaland iyo DANAB oo howlgal ka fuliyay Jubbada Hoose [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Ciidamada maamulka Jubbaland, oo ay wehlinayaan kuwa DANAB, ee dowladda Federaalka ayaa howlgal miliateri oo wadajir ah ka fuliyay qeybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ciidamada Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Goojaar) oo xaqiijiyay in howlgalka uu ka dhacay degaanno ka yaalla duleedka degmada Jamaame, islamarkaana lagu beegsadey saldhiga kooxda Al-Shabaab halkaasi ku leedahay.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Taliyaha ayaa xusay in dagaal kooban oo ciidamada huwanta ku dhexmaray Araare, Bangeni, Koban iyo Xaaji Muuse oo dhamaantood hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose lagu dilay 10 Al-Shabaab katirsanaa.

Al-Shabaab dhankeeda wali kama aysan hadlin hadalka Taliyaha ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan uu Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen Indha-Qarshe uu booqdey degaanada duleedka Kismaayo, ee ay isku hor-fadhiyaan Al-Shabaab iyo ciidamada Qaranka iyo kuwa Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa ku awood badan gobollada Jubbooyinka, iyadoo si buuxda u maamusho gobolka Jubbada Dhexe, waxaana sidoo kale weeraro joogto ah ku qaadaa ciidamada ku sugan duleedka magaalada xeebta leh ee Kismaayo, oo xarun u ah Jubbaland.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda, ayaa laga saarey Kismaayo 2012, balse waxay ku sugan tahay degaanada ku dhaw magaalada, oo ciidamada Jubbaland, Kenya, kuwa Mareykanka ay mudo 6 sano ah awoodi waayay inay ka saaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM