Ciidamada nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya oo rayid dhaawacay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhaawacantay rasaas ay fureen ciidanka nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya kadib qarax lagula eegtay Muqdisho, sidda uu xaqiijiyey taliska booliska.

Qaraxa oo la sheegay in uu ka dhashay Miino ayaa ka dhacay isgoyska Soos ee degmadda Hiliwaa, Axada maanta ah.

Goobjoogeyaal kala duwan oo ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen ayaa warbaahinta u sheegay in kolanyada AMISOM burbur soo gaarey.

Balse lama soo warin waxyeelo dhimasho ama dhaawac oo xoogaga ururka Midowga Afrika kasoo gaarey falkaas. Illaa iyo hadda ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda weerarka.

Shacabka ku dhaawacmay xabadaha ay ciidanka AMISOM rideen kadib qaraxa ayaa waxaa loola cararay Isbitaal si loo badbaadiyo noloshooda.

Ciidanka shisheeye ayaa isu socodka wadada isku xirta isgoyska Soos iyo xaafada Suuqa Xoolaha waxay hakad geliyeen muddo dhowr daqiiqo ah kadib dhacdadaasi, wallow ay dib ka fureen.

Inta badan askarta AMISOM ayaa sameeya ficilo noocaan ah mana jirto talaabo wax looga qabanayo oo ay dowladda Soomaaliya ka qaado ciidanka nabad-ilaalinta u jooga dalka tan iyo 2007-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Abaabulaya Kacdoon Shacab xili barakicinta dagaal isku bedeshay

Saacado kadib markii mucaaradka iclamaaliyay kacdoonka shacab, xaafadda Warlaliska oo degmada Deyniile katirsan.

  • Soomaliya

    06-05-2026

  • 09:30PM

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM