Ciidamada Somaliland oo weerarey Tuulada Saaxdheer

Image

SAAXDHEER, Somalia August 28, 2014 (Garowe Online)- Wararka ka imaanaya tuulada Saaxdheer ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland saaka 28 Augus,2014 aroortii soo weerareen goobta uu ka dhaceysay xaflad lagu caleemo saarayo Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo dhowaan loo doortey Madaxweynaha maamulka Khaatumo.

Warar dheeraad ah lagama hayo khasaaraha dagaalkaas iyadoo dhamaan khadka taleefanka goobta caleemo saarka ka dhacayo go'an yahay. Warsidaha Garowe Online ayaa isku dayey inuu la xiriiro wariye-yaal halkaas jooga kuwaasoo ka socday saxaafada qaarkeed.

Maalintii shaley 27 August,2014 waxaa magaalada Buhoodle ka dagey diyaardo ka yimid magaalada Muqdisho kuwaasoo sidey wafuud damacsanaa iney ka qayb galaan caleemo sarkaas ka socda tuulada Saaxdheer.

Tuulada Saaxdheer oo ku taal xadka Somalia iyo Ethiopia ayaa magaalada madaxda Garowe u jirta 200km halka Laascaano oo ay gacanta ku hayo maamulka Somaliland 140km looga socdo.

Dowlada Puntland ayaa weli hadal kasoo saarin xaalada siyaasdeed oo cakiran oo ka jirta  degaanadaas iyadoo dowlada Federaalka ah si toos ah ugu lug leedahay shaqaaqooyinka halkaas ka socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM