Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Image

LONDON, UK - Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ah garabka howlaha horumarinta iyo gargaarka ee Hormuud Telecom iyo Salaam Soomaali Bank ayaa maanta la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika.

Munaasabadda abaalmarinta, oo qeyb ka ahayd Shirweynaha ALM Africa Summit 2025, oo uu soo qaban qaabiyey ururka African Leadership Organisation oo madax u yahay Madaxweynihi hore ee Tanzania, ayaa lagu qabtay Hotelka the Landmark London, iyada oo ay ka soo qeybgaleen madax Afrikaan ah, maalgashadeyaal, hal-abuurro, iyo wakiillo ka kala socday ganacsiga iyo bulshada rayidka ah.

Hormuud Salaam Foundation ayaa abaalmarintan ku muteysatay dadaalkeeda joogtada ah ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, gurmadka degdega ah, iyo barnaamijyada kobcinta dhaqaalaha dalka.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cusmaan oo lagu marti qaaday shirka,  ayaa Xafladda ka sheegay in Abaalmarintan ay ku dhiirigalineyso in ay sii xoojiyaan adeegyada ay u hayaan Bulshada.

“Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado iyo Horumar,” ayuu yiri Gudoomiye Cabdullaahi.

Shirka ALM Africa Summit, oo sanadkan maraya kii tobanaad, waa mid ka mid ah shirarka ugu ballaaran ee ay isku arkaan hoggaanka ganacsiga iyo siyaasadda Afrika. Mowduuca sanadkan ayaa ahaa (Horumarinta Hoggaanka, Maalgashiga iyo Tartan Awood leh)

Abaalmarinta Hoggaaminta Saameynta Bulshada ee Afrika waxaa la siiyaa hay’adaha ama ururrada leh saameyn muuqata ku leh horumarinta nolosha bulshada Afrika, Hormuud Salaam Foundation ayaa sanadkan ku guuleysatay abaalmarintan, iyadoo ay sharaf u tahay bulshada Soomaaliyeed oo ay matalayso.

Abaalmarinta Hormuud Salaam Foundation ayaa ku soo aadeysa xilli sanadahan diirada la saarayo kobcinta Hay’addaha maxaliga, si ay kaalin uga qaataan isbadalka bulsho iyo dhaqaale ee Bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Kordhisay Doorkeeda Geeska Afrika, Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira

Kulankan ayaa imanaya kaddib booqashooyinkii dhawaan ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 07:14PM

Xasan Sheekh iyo Al-Sisi oo ku heshiiyay difaaca midnimada Soomaaliya, kana horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Dhankiisa, Madaxweyne Al-Sisi ayaa carrabka ku adkeeyay in Masar ay si buuxda u ixtiraamayso madaxbannaanida.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 06:20PM