Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Soomaaliya — Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa xarigga ka jaray ceel-biyood cusub oo laga hirgeliyay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka ee magaalada Garowe.

Wasiirka ayaa munaasabadda furitaanka waxaa ku wehelisay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Maryan Cismaan Axmed, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda iyo xubno door ka qaatay hirgelinta mashruuca.

Ceelka cusub ayaa loogu talagalay in lagu daboolo baahida biyaha ee xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka, iyadoo sidoo kale fududeynaya adeegyada iyo hawlaha ka socda xarunta.

Wasiir Maxamed ayaa sheegay in tan iyo markii ay xilka la wareegeen ay mudnaan gaar ah siinayeen sidii xal waara loogu heli lahaa baahida biyaha ee xarunta.

“Maanta waxaan xarig-jareynaa ceel-biyood cusub oo ay Wasaaraddu yeelanayso, waana markii ugu horreysay tan iyo markii la dhisay xaruntan sanadkii 2008,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah, maadaama biyuhu ay ka mid yihiin baahiyaha aasaasiga ah ee xarunta.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay hay’adda maxalliga ah ee PMWDO iyo madaxdeeda, gaar ahaan Burhaan Cabdullaahi Shiil, oo munaasabadda goobjoog ka ahaa, iyo Madaxa Qaybta Biyaha iyo Nadaafadda Wasaaradda, Niciimo Nuur Muuse, oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaadatay hirgelinta ceelka.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo xubno ka shaqeeyay dhismaha iyo hirgelinta ceel-biyoodka cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM