Ciidamada Soomaaliya oo fashiliyey weerar ismiidaamin

Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ciidamadda Soomaaliya ee ku sugan degaanka Bacadweyne ayaa saaka fashiliyay weerar ismiidaamin ah loona adeegsadey gaari land cruiser ah kaso buuxiyen walxaha Qarxa.

Wakaaladda wararka qaranka ee SONNA ayaa warisay "in ciidamada ayaa toogtay naftii haligihii gaarigii kula burburiyay. Majiro wax khasare ah oo so gaaray ciidanka xoogga Soomaaliyeed".

Wasaaradda ammaanka Galmudug oo Jimcadda maanta ah war-saxaafadeed kasoo saartay weerarkaas " dhicisoobay" ayaa ammaantay ciidanka xoogga waxaana ay ku sifeysay "soo majeestayaasha".

"Ciidamada sooma-jeestayaasha huwanta ah ee qaranka iyo kuwa dawlad goboleedka Galmudug oo ku hareeraysnaa saacidihii la soo dhaafay koox argagixiso ah oo ka kooban qiyaastii 60 maleeshiyo ah ayaa la rajaynayaa in ay isku soo dhiibaan ciidamada huwanta ah ama in ay waajihi doonaan in laga taqaluso," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Wuxuu ku daray: Aagagga kala duwan ee ciidamada huwanta ahi ay ka hawlgalayaan ayaa laga soo hooyay guulo wax ku ool ayadoo kooxda argagixisada alshabaab uu soo gaaray khasaaro xooggan iyo kala firxad".

"Wasiirka Amniga Md. Axmed Fiqi, taliyaha ciidamada lugta ah Gen. Biixi, taliyaasha ciidamada Qeybta 21aad ee XDS, NISA, Gorgor, Danab iyo daraawiishta ayaa dagaalka hogaaminaya ayadoo Madaxweyne Qoorqoor uu qolka hawlgelinta ka hagayo hawlgalkan," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah saldhigyada ciidamada Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku yaala degaanada Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo doorasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM