Ciidamada Soomaaliya oo "iska difaacay" weerar uga yimid AlShabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal muddo saacado ah socdey oo gobolka Gedo ku dhexmaray ciidamadda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan AlShabaab.

Illo wareedyo ayaa ku waramaya in iska hor-imaadka uu yimid ka gedaal markii xoogaga gacansaarka Al-Qaacida ay weerareen fariisin ay magaaladda Garbahaarey ee gobolkaasi.

Saraakiisha amniga oo sheegay in ay iska difaaceen duulaanka ayaa shaaciyey in ay dileen laba kamid ah xubnaha Shabaab ayna ku furteen hub sida Qori AK7 iyo Zaban.

"Dhankeena wax dhimasho ah ma jiraan, marka laga reebo dhaawacyo naga soo gaarey dhowr askar," ayuu yiri, wallow uusan soo bandhigin tiradda saxda ah ee waxyeelado soo gaartay.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka AlShabaab, kuwaasi oo aalaaba looga bartay in ay barahooda ku faafiyaan macluumaad ku aadan weerarada ay geystaan.

Gedo ayaa kamid ah gobolada hoostaga maamulka Jubbaland, waxaana ku sugan cutubyo kamid ah xoogaga Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Itoobiya.

Garbahaarey, oo ah caasimada gobolkaasi, ayaa waxaa mararka qaarkood laga soo wariyaa gulufyo ay geystaan AlShabaab, kuwaasi oo tuulooyinka ku hareereysan fariisimo ku leh.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM