Ciidamadda oo howlgalo "ku dilay" 50 xubno Al-Shabaab ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Soomaaliya ayaa Axadii shaaca ka dhigay in ay howlgalo militari ka sameeyeen sadex gobol oo kala duwan oo ku yaala dalka ku yaala qaaradda Geeska Afrika.

Sida laga soo xigtay taliska guud ee milatariga Soomaaliya, waxaa howlgaladdaas lagu khaarijiyey "ugu yaraan 50 argagixisada al-Shabaab ah 48-dii saac ee lasoo dhaafay".

Howlgallada ayaa ka kala dhacay gobollada dhexe ee Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo koonfur-galbeed ee gobolka Shabeellada hoose, waliba si gooni gooni ah, sida ay warisay saxaafada dowlada.

"Saldhigyo badan oo kooxda argagaxisada ah ayaa la burburiyay 48-dii saac ee la soo dhaafay," ayuu tabiyey telefishinka ku hadla afka dowladda oo soo xiganaya saraakiil ciidan.

Marka laga soo tago sheegashadda ciidamadda Soomaaliya, ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya. Sidoo kale, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maleyshiyada Al-Shabaab.

Xilli dalka uu isu diyaarinayo qabashada doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha bilaha soo socda, militariga ayaa xoojiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda si ammaanka loo xaqiijiyo.

Hawlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah Al-Shabaab kana dhacay gobolka Shabeellada Dhexe ayaa la sheegay "lagu dilay in ka badan 130 dagaalameyaal loogana xoreeyay ugu yaraan lix tuulo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM