Ciidamadda Soomaaliya oo Al-Shabaab ka qabsaday degaano horleh

Image

BAARDHEERE, Jubaland – Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ka warbixiyey howlgalo ay ka sameeyeen degaano dhaca gobolka Gedo ee koonfurta wadanka dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika.

Abaanduulaha Ururka 49aad Guutada 1-aad qeybta 43aad, Xidigle Maxamed Weli Cabdullaahi Xersi ayaa xusay in ay xorreeyeen tuulooyin horleh.

Mr Xersi oo la hadlay warbaahinta milatariga ayaa caddeeyay in ay la wareegeen gacan ku haynta degaanadda Reydab iyo Daar Macalin.

"Degaanadan aan qabsanay waxaa kuwa Istaraatiiji ah, waxayna argagixisadda ka wadeen dhibaateynta shacabka," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Labadan degaan ayaa qiyaastii 40 KM u jira magaaladda Baardheere, halkaas oo ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin.

"Meelaha aan qabsanay waxaa ku jira fariisimaha argagixisadda. Qabsashadeena waxay timid dagaal," ayuu ku daray sarkaalka, isaga oo aan soo hadal-qaadin khasaaraha labadda dhinac.

Marka laga soo tago sheegashadda ciidamadda Soomaaliya, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Soomaaliya ayaa waxay gobolada dalka ka wadeen howlgalo baaxad leh oo ururka Al-Shabaab looga saarayo meelaha baaqiga ku ah gacantooda kahor doorashada 2020-21 ee qofka iyo codka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM