Ciidamo gadoodsan oo hakad geliyey isu socodka wadooyinka Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka gadoodsan mushahar la'aan ayaa Axada maanta ah hakad geliyey isu socodka qaar kamid ah waddooyinka magaala madaxda Muqdisho.

Jidadka ay xirteen ciidamadda ayaa ku yaala nawaaxiga Madaxtooyadda. Si gaar ah, waxay dhaqdhaqaaqii ka joojiyeen waddooyinka gala taalada Daljirka Daahsoon ee caasimadda waddanka.

Qaar kamid ah askarta oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan mushahar qaadan ku dhowaad laba sano isla markaana ay kasoo baxeen duufeesyadda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidda laga soo xigtay askarta qaarkood, mudadaas labada sano ah waxaa gaajo iyo haraad u geeriyooday askar. "Qaarkood iyagoo cagaarka ka goobaya tamar, waxaa dilay Al-Shabaab," ayay raaciyeen.

Madaxda ugu sareysa ee dowladda federaalka ah ayay ka codsadeen in ay kusoo baxaan arrintooda isla markaana ay xal waara uga keenaan cabashadooda mushahar la'aanta, ku dhowaad labadda sano.

Hadal dhowaan kasoo yeeray madaxweyne Farmaajo oo ahaa in ay mushaharkooda qaataan askarta ayay ku sifeeyeen waxba kama jiraan. Madaxweynaha ayaa hadalkaas u sheegay baarlamaanka.

Sanadkii hore 2019-kii ayay ahayd markii sidaan oo kale ciidamo ka gadooday mushahar la'aan ay kasoo baxeen furimaha dagaalka isla markaana ay dowladdu ku doodey in ay dib u habeyn ku socoto ciidamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM