Ciidamo gadoodsan oo hakad geliyey isu socodka wadooyinka Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka gadoodsan mushahar la'aan ayaa Axada maanta ah hakad geliyey isu socodka qaar kamid ah waddooyinka magaala madaxda Muqdisho.

Jidadka ay xirteen ciidamadda ayaa ku yaala nawaaxiga Madaxtooyadda. Si gaar ah, waxay dhaqdhaqaaqii ka joojiyeen waddooyinka gala taalada Daljirka Daahsoon ee caasimadda waddanka.

Qaar kamid ah askarta oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan mushahar qaadan ku dhowaad laba sano isla markaana ay kasoo baxeen duufeesyadda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidda laga soo xigtay askarta qaarkood, mudadaas labada sano ah waxaa gaajo iyo haraad u geeriyooday askar. "Qaarkood iyagoo cagaarka ka goobaya tamar, waxaa dilay Al-Shabaab," ayay raaciyeen.

Madaxda ugu sareysa ee dowladda federaalka ah ayay ka codsadeen in ay kusoo baxaan arrintooda isla markaana ay xal waara uga keenaan cabashadooda mushahar la'aanta, ku dhowaad labadda sano.

Hadal dhowaan kasoo yeeray madaxweyne Farmaajo oo ahaa in ay mushaharkooda qaataan askarta ayay ku sifeeyeen waxba kama jiraan. Madaxweynaha ayaa hadalkaas u sheegay baarlamaanka.

Sanadkii hore 2019-kii ayay ahayd markii sidaan oo kale ciidamo ka gadooday mushahar la'aan ay kasoo baxeen furimaha dagaalka isla markaana ay dowladdu ku doodey in ay dib u habeyn ku socoto ciidamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM