Ciidamo horleh oo laga dejiyey Gedo xilli Jubaland ay ka digtey

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah waxay mar kale ciidamo, gaadiid dagaal iyo hub ay ku daabushay gobolka Gedo ee hoostaga maamulka Jubaland.

Sidda ay warbixinaddu caddeynayaan, askartan oo laga qaadey magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa laga dejiyey garoonka diyaaradaha magaaladda Doolow kuna dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale diyaarad wadda ciidan, gaadiid dagaal iyo hub ay ka degtay isla madaarkaas loona qeybiyey magaalooyinka ku teedsan.

Isla diyaaraddaas, sidda ay xoguhu tibaaxayaan, waxaa lagu soo daabulay dhalinyaro Muqdisho loo keenayo tababar si dhankooda loogu daad-gureeyo gobolka Gedo marka tababarka uu u dhamaado.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan askartaan oo kasoo baxay dhanka Taliska ciidamadda Soomaaliya.

Gobolka Gedo oo xudun u ah is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya ayaa ah qodobka kaliya ee fashiliyey wadaxaajoodyadii u dambeeyay oo ay yeesheen madaxda Soomaalida.

Jubaland oo si kulul u cambaareysay ciidanka dowladda ku daabusgay gobolka Gedo ayaa ku sifeysay "ayaan darro in ayadda oo ay jirto xaalad abaaro ay hurineyso colaad halkii ay gurmad la gaari lahayd dadka shacabka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM