Ciidamo Itoobiyaan ah oo "qeyb ka ahaa" dagaalkii Beledxaawo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa "qeyb ka ahaa weerarkii Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay shalay ku qaadeen fariisinka askarta Jubaland ee Beledxaawo," sidda uu shaaciyey mas'uul.

Cabdi Xuseen Maxamed, wasiirka warfaafinta Jubaland, ayaa warkaas kaga dhawaajiyey wareysi uu siiyey wakaalada wararka Reuters.

"Dowlada Soomaaliya waxay sifo baalmarsan dastuurka ku raadineysaa dowladii dalka ka bururtay…waxay kasoo horjeedaa nidaamka federaalka…waxa aan xabad ahayn dooni mayso," ayuu xusay.

Xukuumadda federaalka ayaa diidey in ay ka jawaabto codsi ku aadan in ay fahfaahin ka bixiso duulaanka lagu eedeeyay.

Dhanka kale, taliska ciidamada Soomaaliya ayaa ku adkeystay in ay gobolka Gedo ka saarayaan "maleeyshiyaadka Al-Shabaab" hase ahaatee maamulka Jubaland wuxuu gaashaanka ku dhuftay hadalkaas.

Si lamid ah, wasaaradda difaaca Itoobiya ayaanan ka jawaabin xiriiro dhowr ah oo lala sameeyay si ay kaga jawaabaan sheegashadaas.

Ku dhowaad tobban qof ayaa ku dhintay iska hor-imaadka oo ka dhacay laba qeybood oo ka tirsan Beledxaawo, gobolka Gedo.

Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay weerar ku tahay dowlad goboleedyadda kasoo horjeeda si ay uga hirgeliso nidaam dowladeed oo taabacsan si ay labinta u hesho doorashada 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM