Ciidamo loo tababaray dowladda Soomaaliya oo "lagu hayo" Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Boqolaal askar ah oo sirdoonka Soomaaliya u diray Eritrea isla markaana dhameystay tababarka ayaa "lagu hayaa" dalkaas dhaca Geeska Afrika, sidda uu ka dhawaajiyey Xildhibaan.

Sharci-dejiye Cabduqaadir Cosoble oo kamid ah Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah ayaa Jimcadii hadalkaan ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidda laga soo xigtay gudoomiyaha xisbiga Ileys, askartaas ayaa qorshuhu yahay in ay ilaaliyaan doorashooyinka qorshuhu yahay in ay dalka ka dhacaan 2020-21.

Hadalka mudanaha ayaa imaanaya xili dowladda Farmaajo horey u beenisay in ay jiraan ciidamo lagu soo tababarayo Eritrea.

Tani ayaa sidoo kale waxay kusoo aadaysaa iyaddoo waalidiin ay baadigoobayaan caruurtooda "oo si qasab ah loo askareeyay".

Dhinaca kale, mid kamid ah murashaxiinta doorashadii 2017, oo ka digay mudo kororsi ay sameystaan madaxda talada haysa, ayaa tibaaxay in ay muhiim tahay in coddeynta ay noqoto mid hufan.

"Saraakiil hadaad haysataan oo siyaasiyiinta weeraraayo, oo dadka dhintay gabahooda ku duugaayo, ma leyska yeeli doono mana leyska aqbali doono, wadankaad meel xun geyneysaan mooyee, dalkaan wuxuu u baahan yahay doorasho leysla ogol-yahay oo qof walba uu og-yahay in ay si nadiif ah ku dhacday," ayuu hadalkiisu ku daray Cabduqaadir Cosoble.

Isagoo soo qaadey socdaalka la dalbaday in uu madaxweyne Farmaajo ku tago Hargeysa, caasimadda Somaliland, Mr Cosoble ayaa su'aal geliyey sababta loogu baahdey Abiy Axmed.

Ugu dambeyntii, Farmaajo ayuu ku booriyey in uu bulshadda la hadlo una caddeeyo ujeedada ka dambeysa arrintaas iyo qaabka ay xukuumadiisa dooneyso in ay kula hadasho Somaliland.

Somaliland, oo gooni u goosad sheegata tan iyo 1991-dii kadib xasuuqii ay kala kulantay dowladdii Siyaad Barre, ayaa iska diidey booqashada Farmaajo, wallow uu arrintaas cadaadis kala kulmay Musue Biixi Cabdi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM