Ciidan wata gaadiid dagaal oo xiray jidadka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Inta badan waddooyinka Muqdisho ayaa lagu waramay in saaka ay u xiran yihiin sababo aysan si rasmi ah u shaacin Laamaha Ammaanka Dowladda federaalka ah.

Jidadka caasimadda waxaa lagu arkayaa ciidamo wata gaadiid dagaal kuwaas oo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay u diidaya in ay adeegsadaan waddooyinka ugu muhiimsan.

"Dhaqdhaqaaq kooban ayaa ka jira jidadka degmooyinka qaar ee magaalada. Balse, waxaa intooda badan xalay lagu daadiyey ciidamo kuwaas oo wata Beebeyaal," ayuu yiri qof goobjooge ah.

Xiritaanka waddooyinka Muqdisho ayaa kusoo hagaagaya xilli hardanka siyaasadeed ee ka taagan doorashooyinka 2020-21 uu wali meel culus marayo isla markaana heshiis rasmiya aan la gaarin.

Sidoo kale, waxay kusoo timid xilli lagu waddo in shir u dhaxeeya Dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyadda kuna saabsan xalka xaaladda cakiran uu ka bilowday magaala madaxda.

Shirkaas waxaa hareeyay xaalado dhanka amniga ka gedaal markii Al-Shabaab ay maalmo kahor sheegatay weerar madaafiic oo lagu ekeeyay xerada Xalane oo ah goobta shirka ka dhacayo.

Puntland iyo Jubaland ayaa horey u dalbaday in shirka uu ka dhaco Xalane kadib markii ay si cad u sheegeen in aysan ku kalsoonaan karin goobaha ay amnigooda sugto dowladda federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM