Ciidanka dowladda oo weeraray xarunta warbaahin madax-banaan

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka dowladda oo "weeraray" xarunta Mustaqbal Media ee Muqdisho ayaa "u gacan-qaadey" qaar kamid ah howlwadeenada burburiyey horeyna u qaatey qalabka qaar".

Qoraalo kala duwan ciwaankeeda mareegga Facebook ku daabacdey ayaa Idaacaddu waxay sheegtay in ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad ay saxafiyiinteeda ula dhaqmeen "sidda in ay cadow yihiin".

"Waxa aan codsaneynaa in nalaga qaado ciidanka iyo hubka yaal Albaabka xarunteena oo aan u aragno hanjabaad iyo awood sheegasho! Sabab naloo argagixiyo ma jirto, haddiiba ciidanka oo na difaaci lahaa na dilayo, hantida iyo Qalabkana qaadanayo waa maxay shaqada ay qaban doonaan ee kale?," ayaa lagu yiri mid kamid ah qoraaladda.

Bayaan kale ayaa la raaciyey: "Burburinta hanti gaar loo leeyahay waxa aan fileynaa in aysan ahayn shaqo uu qabto ama u bannaan in uu ku kaco ciidan dowladeed. Waxa aan codsaneynaa in Qalabka ciidanku qaatay dib loo soo celiyo, Burburkana magdhowgiisa la qiimeeyo!".

Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo waqtiga ka dhamaadey ayay waydiisatay in losoo celiyo agabkeeda. Ma cadda sababta loo beegsaday xaruntan warbaahineed.

Qaar kamid ah ururada warbaahinta madaxa-banaan ee Soomaaliya sidda FESOJ ayaa cambaareeyay weerarka kuna sifeeyay "xadgudub ka dhan ah xorriyadda hadalka iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay".

"Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ waxa uu si kulul u cambaareynayaa weerarka saaka aroortii ay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ku qaadeen Xarunta Mustaqbal Media," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay FESOJ.

FESOJ ayaa ku dartey: "Sida uu xaqiijiyey Guddoomiyaha Warbaahinta Mustaqbal Ahmed Isse Gutale, ciidamada ayaa jirdil xoog Leh u geystay qaar ka mid ah Wariyeyaasha Idaacadda, sidoo kalana waxa ay ciidamadu burburin qeyb ka mid ah Qalabkii Warbaahinta halka qeyb kalana ay qaateen".

"Falkan argagaxa Leh waxa uu dhibaato ku yahay shaqada Warbaahinta Madaxa Bannaan Iyo Wariyeyaasha. Haddaba waxaan ku yeereynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in jawaab deg deg ah ay ka bixiso tallaabadan dhaawaca ku ah xorriyadda hadalka," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada ay adag tahay in warbaahin madax-banaan ay uga howlgasho si xor ah, iyaddoo si gaar ah intii xukunka Farmaajo jiray ay saxaafada Soomaaliyeed wajahdey tacadiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM