Al-Shabaab oo weerar saf-balaaran leh ka geystay gobolka Bay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa weerar saf-balaaran leh ku ekeeyay fariisimo ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ee degaano ka tirsan gobolka Bay.

Goobaha ay maleyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida weerartay ayaa ku kala yaala magaalooyinka Bardaale, Qansax-dheere iyo Goof-guud, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo degaanka.

Bartilmaameedka Bardaale oo ay degan yihiin ciidamada Itoobiya ee aan qaybta ka ahayn AMISOM ayaa la sheegayaa in ay iska hor-imaad kula galeyn xubnaha Shabaab meel ku dhow garoonka diyaaradaha.

Ma cadda waxyeeladda illaa iyo haatan ka dhalatay is-rasaaseyntaasi oo lasoo warinayo in ay muddo socotay.

Geesta kale, inta la xaqiijiyey laba askari ayaa ku dhaawacantay markii rag ka tirsan Al-Shabaab ay duulaan gaadmo ah ku beegsadeen farisiin ay ciidamada dowlada ku leeyihiin Goof-gaduud.

Saraakiisha ciidamada xoogga iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay iska caabiyeen ayaa tibaaxay in ay jug culus gaarsiiyeen wax ay ugu yeereen "cadowga Umadda Soomaaliyeed".

Weerarka lagu qaaday magaalada Qansaxdheere ayaa lagu waramayaa in uusan geysan wax khasaaro ah oo dhinacyadda soo kala gaarey.

Al-Shabaab wali wax war ah kama aysan soo saarin howlgalaan ay ka fulisay degaanadaasi hoostaga maamulka Koonfur Galbeed.

Dhacdooyinkan ayaa waxay kusoo aadayaa iyadda oo todobaadkii hore uu madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo hadda dalka ka maqan uu ic-laamiyey dagaal waji cusub leh oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dagaalka Al-Shabaab, amniga iyo furista wadooyinka ay kooxdu go'doomisay ayaa waxay kamid yihiin howlaha horyaala wax ka qabashadooda madaxweyne Lafta Gareen, kuwaasi oo aysan wali muuqan talaabooyin uu ka qaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM