Ciidanka oo Al-Shabaab ka qabsadey goobo muhiim ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda Soomaaliya ayaa Al-Shabaab dagaal kaga qabsadey degmadda Camaara ee koonfurta gobolka Mudug. Waa degmaddii labaad ee maleyshiyadda laga xorreeyo laba maalin gudahoodda.

Shalay waxaa iska caabin la'aan loogala wareegay Bacaad-weyn. Sawirro ay soo bandhigtay warbaahinta dowladda ayaa muujinaya ciidanka oo ka tirsan qeybta 21-aad oo calan Soomaaliyeed ka taagaya fariisimahoodii hore.

Magaalada hoostagta Galmudug ayaa isbedelo badan ay ka dhaceen todobaadyadii lasoo dhaafay. Wasaaradda ammaanka maamulkan uu hogaamiyo Axmed Qoorqoor waxay xustey in howlgaladda ay sii socon doonan.

"Argagixisadii waa firxadeen, calankii madoobaa dabayshaa qaaday waxaana ka dul-babanaya fariisimihii kooxaha argagixisada lahayd calanka qaranka iyo kan Galmudug state," ayay tiri.

Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa intaas lasii raaciyey: "Ciidamada qalabka sida waa ku mahadsan yihiin nafhurnimada iyo sida geesinimada leh ee ay argagixisada u baacsanayaan".

Taliyaha ururka Horseed ee Ciidamada Daraawiishta Galmudug G/le Maxamed Cali Salaad oo hawlo kormeer ku guda-jira magaalada Bacaadweyn ayaa ammaan ugu qubeeyay ciidamadda xoogga dalka.

"Waxaan siibnay catirtii madoobayd ee kooxda argagixisada Shabaab, waxaana booskeedii aan surnay calanka qaranka iyo kan Galmudug, argagixisada doolka iyo gardarada ku timid deegaanadeena waxaan ku cadaabi doonaa gacmaheena," ayuu yiri.

Al-Shabaab ayaa kamid ah halisaha ugu waaweyn ee horyaala doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya. Maleyshiyadda waxay horey ugu goodisay odayaasha soo xalay baarlamaanka 10aad ee hadda waqtiga uu ka dhamaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM