Ciidanka oo looga baaqay in siyaasadda dibad joog ka noqdaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay ciidamadda Soomaaliya inay dibad-joog ka noqdaan is-mari-waaga siyaasadeed ee dalku wajahayo waqti xaadirkan.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa daaha ka rogay in ay hayaan magacyadda saraakiil uu sheegay in ay "si nacasnimo leh ugu shaqeeyaa maamulka Farmaajo".

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa cod dheer ugu mahadceliyey saraakiil uu sheegay in ay diideen gelida dagaal siyaasadeed.

"Maadaama siyaasada dalkeenna ay 4.5 ku qaybsan tahay, ninkii ciidanka siyaasadda soo dhexgeliya ayaa Qabiil u qaybiyey. Waxaan ugu baaqayaa Ciidanka Qalabka Sida in ay siyaasadda dibad joog ka noqdaan," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan si dhow ula socanaa hawlgalada ciidan, gaar ahaan Gorgor ee laga soo celiyey furimaha dagaalka cadawga Alshabaab, si loogu adeegsado weeraro lagu qaado siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan".

"Waxaan u mahadcelinayaa saraakiisha iyo askarta diidday in dagaalka siyaasadeed galaan, iyagoo ku dooday in aysan jirin sabab ay furimaha dagaalka cadawga looga soo saaro, si ay siyaasiyiin iyo deegaano shacab ugu duulaan," ayuu xusay.

Warsame ayaa kusoo gabagabeeyay hadalkiisa: "Waan la soconaa magacyadooda iyo ciidanka ay ka tirsan yihiin. Waxaan kaloo la soconaa kuwa sida nacasnimada leh ugu shaqeeya hoggaamiye kooxeed Maxamad Farmaajo".

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu siyaasadeeyay ciidamadda isla markaana uu u adeegsanayo sidii uu xukunka baaqi ugu sii ahaan lahaa, taasoo ay si weyn uga digeen mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM