Ciidanka Villa Soomalaiya oo dad badan kusoo xiray howlgal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa xalay xaafadaha ku teedsan Aqalka looga arimiyo waddanka waxay ka sameeyeen howlgal saf-ballaaran oo guri-guri ah kaasoo ay kusoo qabqabteen boqolaal dhalinyaro ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiil dhanka amniga ah.

Howlgalka oo bilowday xalay saqdii dhexe ayaa, sidda ay xoguhu muujinayaan, wuxuu soo gaarey aroornimadii Arbacada maanta ah.

Sidda laga soo xigtay warbixintadda, meelaha uu saameeyay howlgalkaas aan la ogeyn sababta dhabta ah ee soo dejisay waxaa kamid ah degmadda Boondheere iyo xaafadaha kale ee ay Madaxtooyadda ku fidday.

"Dadka lagu soo qabqabtay howlgalkaas ay qaadeen ciidamaddan loo yaqaano Koofiya Casta ayaa la isugu keenay Barxadda Iskaashatooyinka. Dhalinyaro afka u xiran tahay oo ka tirsan dharcadka hay’adda sirdoonka NISA ayaa dhowr far-muuqay kuwaasoo la watay," ayay sheegeen saraakiisha.

Shaqsiyaadkaas lala baxay oo tirdooda aysan caddeyn ayaa, sidda ay macluumaadyadda tibaaxayaan, waxaa loo dhaadhiciyey xabsiga ciidamadda Madaxtooyadda halkaasoo ay ku wajahayaan su'aallo waydiin.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin howlgalkaas. Isku dayo xiriir uu GO kula sameyn lahaa ayaan guuleysan.

Dhaqdhaqaaqaas ciidan ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmihii u dambeeyay ay caasimadda ka dhaceen falal liddiga ku ah nabad-gelyadda oo ay kamid tahay hoobiyeyaal lagu weeraray xeyndaabka xerada Xalane oo ay degan yihiin madaxwayneyaasha dowladdaha Puntland iyo Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM