Col.Barre Hiiraale oo u duulay magalada Muqdisho

Image
Image
Image
Image

Kismayo,Somalia 30 August,2014 [GAROWEONLINE] Col.Barre Aadan Hiiraale oo maanta soo gaaray magalada Kismaayo ayaa              galabta isaga iyo wafdigii ka socday DF iyo IGAD u duulay magalada Muqdisho.

Madaxwaynaha mamulka Jubbaland ,xubnaha ka socda DF,IGAD iyo Barre Hiiraale ayaa kulan ku qaatay xarunta Jaamacadda kasoo wararku sheegayaan in looga wada hadlay sidii uu Barre uga qayb gali lahaa shirka dib u heshiisiinta oo laga dhigay bartamaha bisha danbe inuu ka qabsoomo magalada Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan mamulka Jubbaland ayaa GO u sheegay Hiiraale inuu ogalaaday dhamaan arrimihii lagu wada heshiiyay ee ahaa inuu Muqdisho u dhoofo iyo ciidankiisa oo dhaqan celin lagu samayn doono si looga daro ciidanka mamulka.

Wada hadalka labada dhinac  dhaxeeya ayaa socda mudo afar maalmood ah waxana garwadeen ka ahaa wasiiro dowladda Xasan Shiikh ka socda iyo wakiilka ururka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Afey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM