Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Image

Muqdisho, Agoosto 11, 2025 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xassan Maxamed Xuseen (Mungaab), ayaa shaaca ka qaaday musuqmaasuq baahsan oo uu sheegay inuu si weyn u curyaamiyay waxqabadka Maamulka Gobolka Banaadir.

Mungaab ayaa sheegay in maamulka gobolka uu mushaar siiyo 3,000 oo shaqaale, hase yeeshee marka la baaro, wax ka yar 600 ayaa si dhab ah uga shaqeeya xarumaha dowladda hoose.

“3,000 oo qof ayaa ku qoran liiska mushaaraadka maamulka gobolka, laakiin haddii aad maanta tagto xarunta, kama heleysid xitaa 600 oo shaqaale ah,” ayuu yiri Mungaab, mar uu Sabtidii 9-ka Agoosto la hadlayay shaqaalaha Gobolka Banaadir.

Wuxuu intaa ku daray in maamulka laga soo wargeliyay in qaar kamid ah gargaarka caalamiga ah ee horay loo heli jiray la qorsheynayo in la joojiyo, taasoo khatar ku ah dhaqaalaha maamulka.

Mungaab ayaa sheegay inuu doonayo in dhammaan shaqaalaha mushaarka qaata ay kasoo xaadiraan goobaha shaqada, balse uu garwaaqsan yahay caqabadda jirta: dad badan oo ku qoran shaqaalaha dowlada hoose ayaan dhab ahaantii shaqeynin.

Ilo-wareedyo ka tirsan Waaxda Shaqaalaha ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Kaab TV sheegay in mas’uuliyiin sare iyo wasiirro ay liiska shaqaalaha ku dareen caruurtooda iyo xaasaskooda, inkastoo aysan wax shaqo ah qaban.

Waxaa kale oo la ogaadey in in ka badan 1,600 oo qof ay ku sugan yihiin dalal dibadda ah, iyagoo wali si joogto ah u qaata mushaarka Maamulka Gobolka Banaadir.

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose, iyadoo Mungaab uu ballan qaaday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtami doono kuwa ku lugta leh musuqmaasuqa.

Musuqmaasuqa baahsan ee ku jira nidaamka mushaharka shaqaalaha dowladda hoose ee Gobolka Banaadir ayaa culays dhaqaale oo ba’an saaraya miisaaniyadda dowladda federaalka, iyadoo khatar weyn ku ah kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.

Waqtigan la joogo, in ka badan 70% ee miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya waxaa bixiya deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, taasoo inta badan lagu bixiyo mushaharka shaqaalaha rayidka ah.

Deeqaha Caalamiga ah oo halis ku jira

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xassan Maxamed Xuseen (Mungaab), ayaa sidoo kale digniin ka bixiyay in deeqaha qaar ee ay dowladda federaalka ka hesho beesha caalamka la joojin doono dhamaadka sanadkan.

“Waxaad ogtihiin in cabsi laga qabo in sanadaha soo socda – ama xitaa dhamaadka sanadkan – sida aan kala hadlay Wasiirka Caafimaadka, aanan hubin in deeq-bixiyeyaashu sii wadi doonaan taageeradooda, gaar ahaan qeybta caafimaadka. Sidaa darteed, waa muhiim inaan taxaddar muujinno oo aan gacanta ku dhigno howlaheenna gudaha,” ayuu yiri Mungaab.

Soomaaliya oo weli ku jirta safka hore ee musuqmaasuqa

Soomaaliya waxay weli ka mid tahay dalalka ugu adag ee lagu xakameeyo ama lagu ciqaabo musuqmaasuqa, gaar ahaan marka ay ku lug leeyihiin mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, qaraabadooda, ama saaxiibadooda dhow.

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee hay’adda Transparency International, Soomaaliya ayaa wali ku jirta kaalinta ugu hooseysa ee dalalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka.

Digniinta kasoo yeertay maamulka gobolka Banaadir ayaa ah fariin cad oo muujineysa baahida loo qabo la xisaabtan dhab ah iyo in wax laga beddelo nidaamka maaliyadeed ee dowladda, si loo ilaaliyo taageerada caalamiga ah iyo kalsoonida shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM

Kulankii Villa Somalia oo fashilmay iyo xiisadda siyaasadeed oo sii kordhaysa

Dhanka kale, Puntland iyo Jubaland ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-08-2025

  • 03:21PM