Coronavirus: Galmudug oo go'aan kasoo saartay xiritaanka Masaajida

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Maamulka Galmudug ayaa go'aan rasmi ah wuxuu kasoo saarey arrinta ku saabsan in Masaajida loo xiro cabsida laga qabo faafitaanka cudurka dilaaga ah ee Covid-19.

Cabdishakuur Maxamed Ciise Al Badri, wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee maamulka Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], ayaa u sheegay BBC-da in aysan wali go'aansan xiritaanka Masaajida.

Taas bedelkeeda, dadweynaha ayuu ku booriyey in ay ku tukadaan Masaajida isla markaana ALLE ka baryaan "in uu naga dulqaado halista xanuunka".

Intii lagu guda jira wareysiga qadka telefoonka, sababta ayaa wuxuu ku macneeyay in aysan lasoo darsin xaalad adag oo ku saabsan fayruska.

Goobaha dadka ku kulmaan sidda Masaajida ayaa la aaminsan yahay in uu aad ugu faafo caabuqa. Masaajidad waaweyn oo Xaramka kamid yahay ayaanna loo xiray.

"Dadka waxaan ugu dhiiragelineynaa walaale, waa laba arrimood; in marka horeysa dhibaato ay dhacdo dadka ay u cararaan xagga xuska Ilaahey, marka labaad oo ah bishii barakeysneyd bishii Ramadaan oo in la oogo ay aadka u fadli badan tahay ay soo dhow-dahay, waxaan hadda u aragnay in aysan qumaneyn in Masaajida iyo Dugsiyadda Qur'aanka hala xiro aan dhahno, laakiin nadaafada wax walba in lagu dedaalo ayaan bedelkeeda qaadanay, marka hadda annaga ma joogno xaalad aad u adag," ayuu caddeeyay.

Al Badri ayaa nan meesha ka saarin hadii ay xaalada meel xun gaarto ay soo rogi doonan amar lagu xirayo Masaajida iyo goobaha lagu barto Diinta sidda Dugsiyadda Qur'aanka iyo Madarasooyinka.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xili maalmihii lasoo dhaafay ay taagneyd dood ku saabsan in Galmudug ay xireyso Masaajida, taas oo u muuqata in uu ganafka ku dhuftay wasiir Cabdishakuur.

Galmudug ayaa kamid ah maamul goboleedyadda xubinta ka ah Soomaaliya ee wali aan soo warin kiisas ama xaalado la xiriira Coronavirus, balse waxay Puntland kala wareegeen todoba ruux oo looga shakiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM