Covid-19: Imaaraadka oo gargaar caafimaad ka dejiyey Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Diyaarad sidda gargaar caafimaad oo loogu talagalay ka hortagga faafitaanka Coronavirus ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka oo gudoomay deeqda ayaa ka mahadceliyey.

Kaalmadda ayaa la sheegay in ay gaareyso 27 tan oo isugu jira agab kala duwan oo lagu xakameeyo faafitaanka cudurka.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii xukuumadda Abu Dubai ay tabarucaad noocaan ah gaarsiisay magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa.

Xukuumadda Muqdisho oo horey ugu qaylo-dhaamisay caalamka ayaa waydiisatay taageero deg-deg ah, waxaana dalabkaas kasoo jawaabay qaar kamid ah wadamada saaxiibka la ah dowladda.

Imaaraadka ayaa u muuqda mid kasoo jawaabida codsigaas kaga soo horumaray Turkiga iyo Qadar oo xiriir dhow la leh Nabad iyo Nolol ama dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Wasaarada Caafimaadka federaalka ayaa xaqiijisay 60 xaaladood oo xanuunka Covid-19 ah, guud ahaan dalka. Intaas waxaa wehlisa, magaala madaxda waddanka ee Muqdisho waxaa lagu soo rogay bandow habeenkii ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM