Covid-19: Muqdisho oo laga xaqiijiyey 62 kiis cusub iyo laba geeri horleh

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxay ku dhawaaqdey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 62 kiis cusub oo ah Coronavirus.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa wariyeyaasha u sheegtay in laba oo horleh ay u geeriyoodeen caabuqa safmarka ah.

Sidda laga soo xigtay Fowziya, waxaa soo caafimaadey laba bukaan oo horey looga helay dhamaan calaamadihii cudurkaas dilaaga ah.

Warbixinta ayaa muujineysa in 18 kamid ah 62-da kiis ee cusub ay yihiin Dhegid; intaas waxaa wehlisa in 44 kamid ah waa Lab.

"Wadarta guud ee kiisaska waa 390, tiradda guud ee dhimashadda waa 18; dadka bogsaday wadartooda waa 10," ayay raacisay hadalkeeda.

Wasiir Fowziya oo hadalkeeda sii wadata ayaa ku boorisay dadweynaha in ay ku waano qaataan kororka maalinlaha ee xanuunka halista ah.

Soomaaliya ayaa haatan ku baareysa fayruska gudaha Muqdisho kadib markii ay heshay sheybaarka lagu ogaado kaas oo ay kaga maarantay midka ay hay'adda caafimaadka aduunka aqoonsan tahay ee caasimada dalka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM