COVID—19 oo golaha ammaanka ka baajiyey shir quseeya Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa todobaadkan dib-u-dhigay shirar, sababo ku aadan cabsida faafitaanka caabuqa Coronavirus, sidda uu baahiyey telefishinka CGTN.

Howlgalka Shiinaha ee UN-ka oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa ka shanqariyey in talaabadaas ay qeyb ka tahay dedaalada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo cudurkaas dilaaga ah.

Balse xubnaha golaha waxay kusii wada xiriiri doonaa isla markaana isku dubin doonan ajandeyaasha shirarka, sidda ku cad bayaanka.

Ajandeyaasha shirarkaas waxaa kamid ahaa qaraaro qabyo ah oo la xiriira Soomaaliya iyo gobolka Darfur ee Suudaan, sidda ku xusan qoraalka oo nuqul kamid ah ay heshay saxaafada.

"Tusaale ahaan, goluhu wuxuu ka jawaabi doonaa weerarkii shalay lagu qaadey howlgalka xasilinta Jamhuuriyada Bartamaha Afrika," ayaa lagu yiri qeyb kamid ah qoraalka.

Sidda ku xusan warqadda howlgalka China ee Jamciyada Qurumaa Ka Dhaxeysa, golaha ayaa diyaariyey talaabooyinka la qaadayo todobaadka soo aadan.

Xanuunka COVID—19 oo illaa iyo haatan dunida ku galaaftey in ka badan todoba kun oo ruux ayaa ah nooc kamid ah hergabka, balse qofka uu u dhiman karo maadaama uu wato fayrus khatar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM