Cumar Shooli: Fanaankii caanka ahaa oo ku geeriyooday Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fanaankii caanka ahaa ee Cumar Shooli ayaa caawa ku dhintay mid kamid ah isbitaalada caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo bilooyinkii lasoo dhaafay uu la jiifay xanuuno.

Sidda ay sheegeen qoyskiisa, marxuumka oo kasoo laabtey qurbaha lana noolaa caruurtiisa ayaa laga daaweynaayey Sokor iyo Dhiigkar.

Dadweyne iyo bahdii fanka ee uu ka tirsanaa ayaa fariimo tacsi tiiraanyo leh waxay u direen qoyskiisa, ehelka iyo asxabata uu ka baxay.

Axmed, wiilkiisa oo si kooban ula hadlay warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in marxuumka la aaso berri oo Arbaco ah.

"Waxaan rabaa in aan xaqiijiyo in Aabe ay qadarta ALLE u timid, waxaana Ummadda Soomaaliyeed ka codsaneynaa in ay u duceeyaan," ayuu yiri Axmed oo telefoonka ku waramay isagoo aad u qiireysan.

Cumar Shooli ayaa safka hore kaga jiray fanaaniinta Soomaalida kuwooda loogu jeclaa marka ay timaado siiqada heesaha iyo masraxiyadda.

Alle ha u naxariistee, marxuumka ayaa qaadey heeso kala duwan oo hirgalay. Bahdii fanka ee uu ka tirsanaa oo qaarkood hadlay waxay sheegeen in uu ahaa qof fiican. Cumar Shooli wuxuu ifka kaga tegay xaas iyo caruur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM