Cumar Shooli: Fanaankii caanka ahaa oo ku geeriyooday Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fanaankii caanka ahaa ee Cumar Shooli ayaa caawa ku dhintay mid kamid ah isbitaalada caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo bilooyinkii lasoo dhaafay uu la jiifay xanuuno.

Sidda ay sheegeen qoyskiisa, marxuumka oo kasoo laabtey qurbaha lana noolaa caruurtiisa ayaa laga daaweynaayey Sokor iyo Dhiigkar.

Dadweyne iyo bahdii fanka ee uu ka tirsanaa ayaa fariimo tacsi tiiraanyo leh waxay u direen qoyskiisa, ehelka iyo asxabata uu ka baxay.

Axmed, wiilkiisa oo si kooban ula hadlay warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in marxuumka la aaso berri oo Arbaco ah.

"Waxaan rabaa in aan xaqiijiyo in Aabe ay qadarta ALLE u timid, waxaana Ummadda Soomaaliyeed ka codsaneynaa in ay u duceeyaan," ayuu yiri Axmed oo telefoonka ku waramay isagoo aad u qiireysan.

Cumar Shooli ayaa safka hore kaga jiray fanaaniinta Soomaalida kuwooda loogu jeclaa marka ay timaado siiqada heesaha iyo masraxiyadda.

Alle ha u naxariistee, marxuumka ayaa qaadey heeso kala duwan oo hirgalay. Bahdii fanka ee uu ka tirsanaa oo qaarkood hadlay waxay sheegeen in uu ahaa qof fiican. Cumar Shooli wuxuu ifka kaga tegay xaas iyo caruur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM