Daacish oo war ay kasoo saartay xaalka US kusoo qaadey Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Kooxda la magac-baxday Dowladda Islaamka ayaa u dabaaldegtay dibad-baxyadda rabashadaha wata ee gudaha Mareykanka, kuwaas oo uu sababay dilka ninka madowga ahaa, George Floyd.

Baraha taageera ISIL oo baahiyey qoraalo kala duwan oo ay ku muujinayaan in ay ku faraxsan yihiin sidday wax uga dhacayaan Ameerika ayaa ku tilmaamay mudaaharaadyadda "aargudasho rabaani ah".

Fariimaha oo ay la socdeen sawirro muujinaya gaadiid ay leeyihiin ciidamadda booliska Mareykanka oo ay gubeen shacabka ayaa sidoo kale isu soo baxyadda ku sifeeyay "mudankooda habka ay u dhaqmaan Muslimiinta".

Qoraaladda ayaa lagu soo hadal-qaadey dalal ay ku jirto Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin ciidamo Ameerikaan ah oo boqolaal gaaraya.

"Ilaahey wuxuu siiyey tijaabo ku saabsan waxay ku sameeyeen Muslimiinta ku sugan Soomaaliya, Afghanistan, Yemen, Iraq, Syria, iyo Palestine, EBBE haka badbaadiyo Muslimiinta ficiladda xun-xun," ayay raaciyeen.

In ka badan shan kun oo ruux ayaa lagu xiray guud ahaan Mareykanka kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka qeybgaleen banaanbaxyadda.

George Floyd oo ahaa 46-sano jir ayaa Isniintii lasoo dhaafay dhintay markii askari boolis ah oo lagu magacaabo Derek Chauvin uu qoorta dhulka ugu qabtay xilli uu doonayay in uu xiro, balse ay goobta nafta kaga baxdey.

Geerida George Floyd oo kamid ahaa bulshadda madowga ah ee lagu takooro Mareykanka ayaa sababtay isu soo baxyo waaweyn oo ka dhacay ugu yaraan 140 magaalo, waxaana ka dhashay xatooyo iyo burbur hanti.

Mareykanka ayaa hormuud u ah dalalka dagaalka kula jira kooxaha argagixisadda ah ee Daacish ay safka hore kaga jirto, wuxuuna Soomaaliya kula eegtaan duqeymo dhanka cirka ah si lamid ah xoogaga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM