Daacishta Soomaaliya oo go’aan ka qaadatay Amiirka cusub ee ISIL

Image

GAROWE, Puntland – Garabka Soomaaliya ee kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka ayaa war-saxaafadeed "adheecitaan ah" waxay u dirtay hogaamiyaha cusub ee Daacish, sidda laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Bayaanka ayaa yimid markii la xaqiijiyey geerida Abuubabar Al-Baqdaadi, aas-aasihii ISIL, kaasoo Mareykanka howlgal ku khaarijiyey.

Abu Ibrahim al Hashimi al-Qurayshi ayaa waxaa loo magacaabay Amiirka cusub ee Daacish, kaasoo aanan wali muuqaalkiisa la helin.

Qoraalka oo nuqul kamid ah lasoo dhigay bogaga taageera Daacishta Soomaaliya ee aalada Telegram ayaa waxaa kasoo muuqday dhowr dagaalyahano oo hubeysan, kuwaas oo hareerahooda ay ku yaaliin geedo.

Sawirka ayaa waxaa la socday qoraal kooban kaasoo ay ku balanqaadeen in ay daacad u noqonayaan horjoogahooda cusub.

Quraishi oo lagu magacaabay cod ay soo duubtay kooxdiisa ayaa waxay wacad ku mareen in ay ka aargudan doonan ciidanka Mareykanka.

Gulufka lagu khaarijiyey Baqdaadi ayaa ka dhacay waqooyi galbeed ee Suuriya, waxaana qeyb ka ahaa sirdoonka dowlado badan.

Sidda laga soo xigtay Mareykanka, Quraishi ayaa waxaa haatan u bilaabatay in ay tirsamaan maalmihiisa joogitaanka aduunka.

Donald Trump oo ku faanay "in aad u garanayaan Quraishi" ayaa ku goodiyey in ay ciidamada dalkiisu guda geleen uruurinta xogtiisa.

Daacishta Soomaaliya oo xubno u dagaalama badankooda kasoo goosteen Al-Shabaabka taabacsan Al-Qaacida ayaa waxaa ay aad ugu xoogan yihiin degaanada buuraldeyda ah ee Puntland, waxaana hogaamiya Cabdiqaadi Muumin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM