Dabley dil wadareed ka geysatay magaaladda Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya – Sagaal ruux ayaa lagu waramayaa in habeenimadii Jimcaha lagu dilay magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug, qeybta Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in dadkan "la xasuuqay" laga soo kaxeeyay hal goob kadibna si wadajir ah loo laayey.

Kahor dhacdadan naxdinta leh, waxaa magaaladda lagu dilay hal qof wallow aanan la ogayn hadii ay arrintaasi la xiriirto.

Shaqsigaasi la khaarijiyey oo magaciisa lagu sheegay Cali Tahliil Cadeed oo la tilmaamay in uu ka tirsanaa nabad-sugida maamulka Axmed Ducaale Xaaf.

Ma cadda sababta ka dambeysay falalkan balse laamaha amaanka ayaa la filayaa in ay ka hadlaan fahfaahinta arrintan.

Dadka degaanka oo laga soo xigtay in ay argagax ku noqotay dil wadareedkan ayaa ku tilmaamay "dhacdo xanuun badan".

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka jira laba maamulo oo kala hoostaga dowlad goboleedyadda Puntland iyo Galmudug.

Maamuladan ayaa sameeyay ciidamo isku-dhaf ah oo ka shaqeeyay nabad-gelyada magaaladda oo maalmihii dambe soo hagaageysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM