Dabley dil wadareed ka geysatay magaaladda Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya – Sagaal ruux ayaa lagu waramayaa in habeenimadii Jimcaha lagu dilay magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug, qeybta Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in dadkan "la xasuuqay" laga soo kaxeeyay hal goob kadibna si wadajir ah loo laayey.

Kahor dhacdadan naxdinta leh, waxaa magaaladda lagu dilay hal qof wallow aanan la ogayn hadii ay arrintaasi la xiriirto.

Shaqsigaasi la khaarijiyey oo magaciisa lagu sheegay Cali Tahliil Cadeed oo la tilmaamay in uu ka tirsanaa nabad-sugida maamulka Axmed Ducaale Xaaf.

Ma cadda sababta ka dambeysay falalkan balse laamaha amaanka ayaa la filayaa in ay ka hadlaan fahfaahinta arrintan.

Dadka degaanka oo laga soo xigtay in ay argagax ku noqotay dil wadareedkan ayaa ku tilmaamay "dhacdo xanuun badan".

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka jira laba maamulo oo kala hoostaga dowlad goboleedyadda Puntland iyo Galmudug.

Maamuladan ayaa sameeyay ciidamo isku-dhaf ah oo ka shaqeeyay nabad-gelyada magaaladda oo maalmihii dambe soo hagaageysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM