Dabley nin ganacsade ahaa ku toogatay magaaladda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxo hubeysan oo heybtooda aan la aqoonsan ayaa lagu waramay in xalay ay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ku dileen nin la sheegay in uu ahaa ganacsade.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal kala duwan, toogashadda ayaa ka dhacday nawaaxiga Isbitaalka Caawa Cabdi ee isgoyska Banaadir.

Marxuumka oo ka ganacsan jiray iibka gaadiidka ayaa magaciisa lagu tilmaamay Cali Barqadle isla markaana uu ku dhintay goobta.

Goobjoogeyaasha ayaa intaas ku daray in gacan ku dhiigleyaashii geystay falkaas ay ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen.

Ma jiro wax war ah oo laamaha ammaanka dowladda federaalka ay illaa iyo haatan kasoo saareen dhacdadaan oo aan ahayn tii ugu horeysay.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa inta badan dusha saarta falalka noocaan ah ee ka dhaca magaala madaxda waddanka.

Dilalka noocaan ah ayaa ku badan koonfurta Soomaaliya marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana kooxaha argagixisada ah ay kordhiyaan falalkooda liddiga ku ah nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM