Dacwad lagu soo oogay sii-haayaha Wasiirka Maaliyada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dacwad heer Maamul ayaa lagu soo oogay Wasiirka Maaliyadda Xukuumaddii la riday C/raxmaan Ducaalle Beyle, waxaana kiiskiisa loo gudbin doonaa Maxkamadda sare ee dalka.

Ururka Qareenadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Beyle uu soo saarey warqad aan sharci ahayn 20-kii bishan, taasoo uu ku shaaciyay in lacag laga qaadi doonaa qareen walba iyo dadka ay u doodayaan, ee dacwadda ka furanaya Maxkamadaha.

Abukaate Cali Xalane, oo afhayeen u ah Ururka Qareenadda ayaa ku tilmaamay nidaamka ajuuradda Maxkamadaha ee uu soo saarey Beyle uusan sharci ahayn, maadama laga rabey inay soo saarto Wasaaradda Garsoor, lana marsiiyo Gollaha Wasiiradda iyo Baarlamanka.

Afhayeenka ayaa xusay inay Dacwad maamul ay ka gudbinayaan sii haya Wasiirka Maaliyadda iyo warqadda uu soo saarey, isagoo hoosta ka xariiqay in qorshahan uu yahay mid albaabada u furayo musuq-maasuq inuu ka dhaco qeybta Garsoorka dalka.

Qareennada waxaa lagu soo rogay inay sameystaan aqoonsi ama ruqsad, iyagoo bixinaya $500, waxaana lagu cusbooneysiinayaa sanad walba $300, waxaa intaasi dheer in dacwadda Madaniga ah qofkii furanaya laga rabo $200.

HALKAN HOOSE KA AKHRI WARQADDA BEYLE:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM